Baarlamaanka Soomaaliya Oo Shaaciyey Xiliga La Qabanayo Doorashada Guddoonka BFS

Published: April 18, 2022

Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka, ayaa shaaciyey xiliga ay dhaceyso doorashada gudoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Waxaa la go’aamiyay doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya la dooran doonaa 27 Abril 2022, sida uu ku dhawaaqay guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka baarlamaanka.

Sidoo kale doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa dhici doonto 26 April 2022, waxaana berri bilaaban doonta diiwaangelinta Musharaxiinta.

Sidoo kale xildhibaanada labada aqal ayaa isku raacay lacagaha laga qaadayo musharax madaxweynaha oo dhan 40.000 (Afartan kun oo doolar), lacagta laga qaadayo musharaxiinta guddoomiyaha labada aqal waa 20.000 (labaatan kun oo doolar), halka lacagta laga qaadayo gudoomiye kuxigeenada labada aqal ay tahay 15.000 (Shan iyo toban kun oo doolar).

Jadwalka Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka:-

1- Is-diiwaangelin musharixiinta Guddoonka Golaha Shacabka (Xilliga shaqada: 09:00 Am ilaa 04:00 pm) taariikh 19, 20 iyo 21 April, 2022.

2- Hadal jeedinta musharixiinta Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada ee Golaha Shacabka BFS taariikh 23 iyo 24 April, 2022.

3- Is-diyaarinta Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BFS 25 April, 2022.

4- Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikh 27 April, 2022.

Jadwalka Doorashada Guddoonka Aqalka Sare:-

Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee BFS wuxuu maanta shaaciyay Jadwalka Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo noqon doona sida hoos ku xusan:-

1. Is-diiwaangelin musharixiinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare (Xilliga shaqada: 09:00 Am ilaa 04:00 pm) taariikh 19, 20 iyo 21 April, 2022.

2. Hadal jeedinta musharixiinta Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada ee Golaha Aqalka Sare BFS taariikh 23 iyo 24 April, 2022.

3. Is-diyaarinta Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee BFS 25 April, 2022.

4. Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikh 26 April, 2022.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *