Bagladesh: Nin Loo Daldalay Dil uu Gaystay 45 Sanno ka Hor

Published: April 12, 2020

Dowladda Bangladesh waxay maanta xukun daldalaal ah ku fulisay Sarkaal ka tirsanaa koox saraakiil ah oo 45 sanno ka hor dilay Asaasihii wadanka Bangladesh sheikh Mujibur Rahman iyo inta badan qoyskiisa

Sarkaal la daldalay oo lagu magacaabo Cabdul Majid oo toddobaadkan gacanta lagu dhigay ka dib markii uu ka soo laabtay wadanka Hindiya ayaa hore u qirtay inuu ka mid ahaa 12 Sarkaal oo ka tirsan ciidamada Wadankaasi oo dilay Sheik Mujibur Rahmaan oo ahaa Ra’isul wasaarihii u horreeyay dalkaasi sanadii 1975.

lix ka mid ah 12ka sarkaal waxaa lagu fuliyay xukun dil ah, midna waxaa uu ku dhintay wadanka Zimbabwe, halka 5 Kalena dil lagu xukumay iyagoo dalka ka maqan.

Ra’isul Wasaaraha wadanka Bangaladesh Sheekh Xasiina Rahman waa mid ka mid ah labo gabdhood oo ka badbaaday inqilibaabkii milateri iyo dilkii dhacay Sanadkii 1975tii, waxay ku tilmaamtay dilka lagu fuliyay ninkii dilay Aabaheed iyo qoyskeeda mid lagu xusayo Sanaduuradii 100aad ee ka soo wareegtay dhalashadii Aabaheed.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *