Bakistaan oo Soomaaliya ka caawineysta tayaynta Ciidanka Cirka

Published: March 5, 2020

Generaal Maxamuud Sheekh oo booqasho ku jooga Magaalada Islamabad ee Caasimadda Pakistaan ayaa kulan uu la qaatay dhiggiisa Dalkaasi, Marshal Mujahid Anwar Khan, waxay kaga wada hadleen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dib usoo nooleynta Ciidanka Cirka.

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya , Sarreeye guuto: Maxamuud Sheekh Cali (Dable-beylood), ayaa sheegay in ay Dowladda Pakistaan ka caawin doonto tayaynta Ciidanka Cirka.

Taliyahe Maxamuud ayaa amaanay Taariikhda mugga leh ee Ciidanka Cirka Pakistan, wuxuuna sidoo kale bogaadiyay tallaabooyinka ay ku casriyeynsay xukuumadda Islamabad  Maraakiibteeda dagaalka Sanadihii ugu dambeeyay.

Waxa uu ka sheekeeyay Taliyuhu xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan , isagoo sheegay in ay xukuumadda Islamabad Gacan ka geysatay taageerada iyo tababarrada Ciidanka Cirka Soomaaliya haatanna ay diyaar u tahay.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay qaabka iyo dariiqa loo mari karo sii xoojinta iskaashiyada kala duwan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistaan, gaar ahaan tayaynta Ciidanka Cirka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *