Balcad: Ciidamada dowlada oo kahortagay weerar ay soo qaaday kooxda Al shabab

Published: April 6, 2024
Shares30

Ugu yaqaan 11 kamid ah dagaalyahanada kooxda Al Shabaab ayaa lagu dilay duleedka magaalada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhexe.

Weerarkan dhacay subaxnimadii saaka oo Sabti ah ayaa waxaa loo adeegsaday gaari bambaano lasoo saaray oo ku qarxay nawaaxiga kontaroolka magaalada kahor inta aysan kooxda hubeysan labo jiho kasoo weerarin magaalada.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur( Furdug) ayaa xaqiijiyey in afaafka hore ee magaalada lagu dilay 11 xubnood oo ahaa kooxda weerarka soo qaaday.

Waa weerarkii ugu xooga badnaa oo ay kooxdaasi ku qaado magaalada Balcad, iyadoo horey weeraro isugu jira qaraxyo iyo jidgooyo ka geystay nawaaxiga magaalada.

Horseed Media