Banaadir oo taageertey saxiixi Madaxweyne Farmaajo ee 13 Xildhibaan

Published: January 29, 2021

Isu soo bax lagu taageerayay go’aankii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu ku saxiixay 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir uu ku yeelan doono Golaha Aqalka sare ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Dadkan isu soo baxay waxaa soo abaabuley Maamulka Gobolka Banaadir waxaana uu ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon, waxaa ka soo qeyb galay dad shacab ah oo ka kala yimid dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka socota qeybaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay bannaanbaxa, iyagoo goobta ka jeediyay khudbado ku aaddan dedaalladii loo galay matalaadda Aqalka sare ee Bulshada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kamid ahaa saxiixayaashii heshiiskii 17 Sept 2020 Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa ka hadlay isu soo baxa waxaana uu u mahad celiyey Madaxweyne farmaajo iyo Golaha Shacabka ee ka dhabeeyey riyadii dadka deggan caasimadda dalka sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan mas’uuliyiin iyo madax caqabad ku ahaa matalaadda uu helay Gobolka Banadir.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Anigu kuraas uma diidani Banaadir tiradii la doono ha la siiyee laakiin waa in marka hore maamul loo dhisaa
    Haddii 13 kursi ee farmaajo saxiixey, sharci noqoneyso,waxaa gobollada dalku noqonayaan 19 gobol,Shiikh Shariif ayaa gobolka Hiiraan laba gobol ka dhigey xiliigii uu madaxweynaha ahaa.tana waxba
    kama duwana, waayo ma waafaqsana dastuurka dalka.