Banaan-bax lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo oo ka socda Muqdisho

Published: June 7, 2020

Waxaa goor dhow Muqdisho ka bilowday dibad-bax ay dhigayaan dadweyne isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir oo muujiyay dareenkooda ku aadan hadal shalay Madaxweeynaha Dowlada fadarelka Maxamaed cabdullaahi Farmaajo uu ka hor jeediay labada Aqal ee Baarlamaanka oo ah ahaab xubno  matala  gobolka Banaadir in lagu kordhiyo aqalka sare ee Baarlamaanka.

Dibad-baxyada ayaa haatan ka bilowday qeybo badan oo caasimada ka mid ah, sida taalada Daljirka Daahsoon iyo isgoyska KM4.

Dadka dhigaya dibad-baxa oo kala yimid dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa wata boorar lagu soo xardhay sawirrada Madaxweynaha Farmaajo iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish.

Banaanbaxan oo ay uu soo qabanqaabiyay gobolka Banaadir ayaa Ujeedkiisu mid lagu muujinayo in madaxweynuhu uu haysto taageerada shacabka caasimadda Muqdisho

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *