Banaanbaxayaal Lagu Laayay Koonfurta Dalka Ciraaq

Published: November 25, 2019

Ciidamada amniga Ciraaq ayaa toogasho ku dilay 13 qof oo qayb ka ahaa dadka ku banaanbaxaya xukuumadda wadankaasi.

Iska horimaadyada banaanbaxyaasha iyo ciidamada dowladda ayaa ka dhacay koonfurta wadankaasi oo ah dhulka qaniga ku ah Shidaalka cayrin, mudaharaadayaasha ayaa gubay taayiro iyagoo xiray wadooyinka halbowlaha u ah dalkaasi oo isku xira koonfurta iyo goboladda kale ee dalka.

7 ka mid ah mudaharaadayaasha ayaa lagu dilay Magaaladda Basra oo 85% shidaalka dalkaasi uu ka soo baxo. 4 kale oo banaanbaxyaasha ayaa lagu dilay Gobolka Nassriya,halka magaalooyinka Najaf iyo Diwanieh lagu dilay labo qof oo kale.

Banaanbaxayaasha ayaa ka cabanaya Adeegyada asaasiga ah ee dalka ciraaq oo aad u liita iyo musuqmaasuq baahay oo ka jir laamaha dowladda

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *