Banaanbaxayaal taageersan Falastiin oo carqaladeeyey Qunsuliyada Israel ee San Francisco

Published: June 4, 2024

Booliiska magaalada San Francisco ee dalka Mareykanka ayaa xiray koox dibad-baxayaal ah oo taageersan Falastiin kuwaas oo galay hoolka dhismaha ee qunsuliyada Israel isla markaana diiday inay halkaas ka baxaan.

Ugu yaraan 70 qof ayaa la sheegay inay xabsiga dhigeen booliiska oo awood u adeegsaday inay goobtaasi baneeyaan.

Banaanbaxyaasha kasoo horjeeda xasuuqa Israel ka wado Gaza ayaa wacad ku maray inay galaan goob walba oo xiriir laleh Israel, inta shacabka Falastiin ay helayaan xaquuqdooda.

Mudaharaadyadaasha taageersan Falastiin ayaa horey banaanbaxyo kala duwan uga dhigay dalka Mareykanka iyo wadamada kale ee reer Galbeedka, gaar ahaan xarumaha Jaamacadaha iyo shirkadaha xiriirka laleh Israel.

Horseed Media