Banaanbaxyo waaweyn oo maalintii 5aad ka socda Magaalada Laascaanood

Published: December 31, 2022
Shares12

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa maalintii shanaad oo xiriir ah ka socda banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayaan dadka magaaladaasi.

Boqolaal dadweyne ah ayaa maanta waxaa ay banaanbax xooggan ka dhigayaan bartamaha magaalada.

Dadka reer Laascaanood aad uga careysan dilalka ciidanka Somaliland ay u geysteen dad dhigaa banaanbaxyada.

Banaanbaxayaasha ayaa waddooyinka Laascaanood ku xiray biro iyo dhagxaan waaweyn, isla markaana laamiga dhex-diisa ku gubaya taayaro.

Horseed Media