Bandhig Faneed Ay Ka Qaybgaleen Madaxda Soomaalida oo Garowe Ka Dhacay [Sawiro]

Published: February 17, 2012

Hobolada Waaberi Puntland ayaa bandhig faneed loogu tala galay shirka wadatashiga Dastuurka caawa magaalada Garoowe ku qabtay.

Kooxdan oo hormuudkooda uu yahay abwaanka caanka ah ee Shube ayaa soo bandhigay Riwaayad ka hadlaysa marxaladda uu xiligan dalku jiro iyo sida looga bixi karo.

Waxay sidoo kale Hobolada Waaberi Puntland bandhig faneedkii ay caawa qaybteen oo ay kasoo qayb galeen dhamaan ergooyinka shirka jooga kusoo bandhigeen suugaan u badan heeso wadani ah oo aad loogu qiirooday.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland oo markii uu caweyska ay Hobolada Waaberi Puntland caawa tumeen soo gaba gaboobey kadib hadlay ayaa uga mahad celiyey bandhigga fiican ee ay sameeyeen iyo suugaanta qiimaha leh ee ay soo jeediyeen.

Wuxuuna madaxweyne Faroole intaas raaciyey isagoo ku hal qabsanaya nuxurka Riwaayadda oo ahaa marxaladda uu dalku ku jiro iyo sida looga bixi karo in dhibaatada dalka ka taagan lagu xalin karo madaxda Soomaalida oo cadaalad sameeya una midooba sidii qarannimada dib loogu soo celin lahaa.

Si kastaba ha ahaatee bandhig faneedka ay caawa Hobolada Waaberi Puntland ku qabteen magaalada Garoowe oo ahaa mid loogu tala galay shirka wadatashiga Dastuurka ee beri soo xirmaya ayaa waxaa si aad ah ula dhacay dhamaan dadkii kasoo qayb galay.

Mana ahan markii ugu horeysey ee ay Waaberi Puntland bandhig suugaameed noocan oo kale ah sameeyaan haseyeeshee waxay mid kan oo kale ah qabteen xiligi uu socdey wejigii 1-aad ee shirka Garoowe oo qabsoomay dhamaadka sanadkii tegey ee 2011.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe