Bandhigga Wax-ka-bedelka Xeerka Warbaahinta Puntland iyo xeer-nidaameedka helista xogta oo lagu qabtay magaalada Garoowe

Published: October 19, 2024

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta ka qeybgalay kulan lagu soo bandhiggayo wax-ka-bedelka Xeerka Warbaahinta Puntland iyo Xeer-nidaamiyaha helista xogta, oo uu soo qaban qaabiyey Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey sida wadajir looga wada shaqeeyay dhinacyada ay khuseyso, in la helo Xeer ay leedahay Warbaahinta Puntland oo marxalado kala duwan soo maray, kaas oo xitaa wax-ka-bedelka lagu sameeyay hadda laga wada qeybgeliyay dhammaan dhinacyada ku shaqada leh.

Wuxuu Madaxweyne Ku-xigeenku muujiyey in Dowladda Puntland, ay fursad furan iyo jawi aan cabsi laheyn siisay Warbaahinta Madaxa banaaan ee Puntland si ay waajibaadkooda u gutaan Iyadoo aysan jirin weriye la xiray, Xeerarka lasoo bandhigayna ay sii horumarin doonaan wadashaqeynta hufan iyo in Xeerku uu noqdo mid illaaliya qofku in uu xadgudbo iyo in lagu soo xadgudbo labadaba.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa uga mahadceliyay Warbaahinta Puntland doorkooda ku aadan Dowladnimada marxaladihii lasoo maray iyo kaalintii ay ka qaateen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland.

Wasaaradda Warfaafinta Puntland, ayaa madasha kusoo bandhigay wax-ka-bedelka Xeerka Warbaahinta Puntland iyo Xeer-nidaamiyaha helista xogta, waxaana kala qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Goleyaasha Dowladda, Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka, Hay’adaha taageera Warbaahinta, Madaxda iyo Weriyeyaasha Warbaahinta kala duwan ee Puntland.

Horseed Media