Bangiga Amal & Dalladda PEN oo tababar u qabtay maamulayaasha iyo macallimiinta xarumaha lagu xanaaneeyo carruurta-Sawiro

Published: March 4, 2017

Bangiga Amal iyo Dalladda Waxbarashada ahliga ah ee (PEN); ayaa tababar u qabtay Maamulayaasha iyo Macalimiinta Xarumaha carruurta lagu barbaariyo ee looyaqaan Xannaanooyinka ee Magaalada Bosaaso,

Tababarkaan ayaa ujeedadiisu aheyd kor u qaadida xirfadda Maamul iyo maareyneed ee Xannaanooyinka. Tababarkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka iyo macalimiinta in kabadan 15 Xarumood oo caruurta lagu barbaariyo.

Tabarkaan oo socday mudo labo maalmood ah ayaa halku- dhegiisu ahaa ” Aan ku barbaarinno ubadkeena naxariis iyo daryeel”. Tababarta-yaasha ayaa waxa lagu tababaray mowduucyada kala ah ;

o Maamulka Xannaanooyinka Casriga ah.

o Xaquuqada Caruurta ee Shareecadda Islaamka.

o Maamulka Maaliyadda ee Xannaanooyinka.

Furitaankii tababarka ayaa waxaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay madax suuq-geynta Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag bari Muuse Siciid Xasan ; isagoo si faahfaasan ugu hadlay ujeedooyinka tababarka iyo muhiimadda uu u leeyhay tababarta-yaasha iyo guud ahaanba bulshada .

Sidoo kale Waxa ka hadlay Madaxa horumarinta ganacsiga ee Bangiga Amal Jaamac Ciise Maxamud oo si guud uga hadlay ujeedooyinka Bangiga Amal iyo in Bangiga ay ka go`antahay in uu bulshada wax ku celiyo; kana qeyb qaato horumarinta bulshada.

Xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka hadlay maamule ku xigeenka Dalladda waxbarashada ahliga ah Nuur Salaad Cabdullaahi oo tilmaamay muhiimadda tababarkaani u leeyahay maamulka iyo macalimiinta ka faa`iideytay.

Dalladda waxbarashada ayaa goobtii ugu qeybisay tababarta-yaasha shahaadooyinka ka qeyb-gal tababarka. Waxa sidoo kale ka warbixiyey sida ay ugu faa`iideysteen tababarka; xubno ka mid ah maamulkii iyo macalimiintii.

Ugu dambeyntii waxaa soo xiray xafladda Maamulaha Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag bari Dr. Maxamed Faahiye Ciise oo si faahfaahsan ugu hadlay tababarka iyo in Bangiga Amal ujeedooyinkiisa ay ka mid tahay in bulshada horumarkiida uu qeyb ka qaato.

Tababarkaan ayaa sidoo kale waxaa goob jog ka ahaa xubno ka socday bahda waxbarashada, saxaafadda iyo ganacsatada.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *