Bangiga Amal oo 96 qof oo shaqo doon ah imtixaan ka qaaday-Sawiro

Published: January 25, 2017

Bangiga Amal ayaa imtixaan ka qaaday 96 qof oo shaqo doon ah, kadib markii maamulka Amal bank ay soo dhejiyeen shaqooyin ka bannaanaa bangiga.

Dadka imtixaanka u fadhiistay ayaa isugu jiray gabdho iyo wiilal, iyadoo goobta uu imtixaanka ka socday ay goob joog ka ahaayeen Dr. Maxamad Faahiye Ciise oo ah madaxa Amal Ban iyo Amal Express ee gobolka Bari iyo Sanaag Bari, Muuse Siciid Xasan oo ah madaxaa suuq geynta Amal Bank gobolka Bari iyo Sanaag Bari iyo maamulaha hormarinta ganacsiga Amal Bank ee gobolka Bari iyo Sanaag Bari Jaamac Ciise Maxamuud.

Dr. Maxamad Faahiye Ciise oo ah madaxa Amal Ban iyo Amal Express ee gobolka Bari iyo Sanaag Bari oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in sida caadada ah bangiga uu soo bandhigo shaqooyinka ka bannaan si dhalinyarada ay ugu tartamaan.

…Runtii dadkeena waan ku kalsoonahay, haddii ay noqoto ardaydeena dalka wax ku bartay, waxaan u rajeenayaa tartamayaasha guul ayuu yiri Dr. Maxamad Faahiye Ciise oo ah madaxa Amal Ban iyo Amal Express ee gobolka Bari iyo Sanaag Bari

Hal ku dhiga Amal Bank ayaa ah Hamiladeenu waa hormarkaaga.

Amal Bank wuxuu dugsadaa taariik fac weyn oo dib ugu laabanaysa dhammaadkii qarnigii la soo dhaafay.

Wuxuu Amal Bank si rasmi ah uga diiwaan gashan yahay Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Bangiga Amal waxaa hormuud ka ah xeel dheerayaal qaarkood ay leeyihiin khibrad dhanka bangiyada ah oo sare u dhaafaysa 30 sano.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *