Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Oo Ka Hadlay Warar Been-abuur Ah Oo Laga Faafiyay

Published: October 22, 2020

Kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay soo if baxeen warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada qaar, kuwaas oo la xiriira in qaar ka mid ah bangiyada dalka lagu soo rogi doono cuna qabateyn dhaqaale, ayaa arrintaas waxaa faah faahin dhammaystiran ka bixiyay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, kaas oo soo saaray Warsaxaafadeed uu arrintaas kaga hadlay.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ah haayadda u xilsaaran Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya rukhsad bixinta iyo kormeeridda baananka gaarka loo leeyahay ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in aanay jirin wax cunaqabatay amba culays ah oo haysta  baananka ganacsi ee gaarka loo leeyahay ka jira dalka.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *