Bangiga Horumarinta Afrika oo lacag ugu deeqay Soomaaliya

Published: July 22, 2022

Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) , ayaa oggolaaday deeq lacageed oo dhan 5.4 milyan oo Doollarka Maraykanka ah, si loogu taageero sugnaanta cuntada degdegga ah ee Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Bankiga Bariga Afrika, Nnenna Nwabufo, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in saameynta abaarta daba dheeraatay iyo saameynta dheeriga ah ee colaadda Ruushka iyo Ukraine ay sii xoojisay cunno yarida dalka.

Agaasimaha ,waxa ay intaas raacisay in deeqdani ay ka kooban tahay maalgelin dheeraad ah oo la siinayo barnaamijka caalamiga ah si loo dhiso adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqeynta.

“Sannadihii lasoo dhaafay, abaaruhu waa ay abuureen xaalado nuglaansho ah oo ay weheliso cunto yari joogto ah, dhaqaale xumo baahsan, colaado, iyo tahriib, taasoo si xun u haleeshay xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda-xoola-dhaqatada,” ayay tiri Nnenna Nwabufo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *