Bangladesh: Bandow la soo rogay, iyadoo tirada dhimashada ee mudaaharaadyada ardayda ay gaartay 100

Published: July 19, 2024

Dowlada Bangladesh ayaa habeenimadii jimcaha soo rogtay bandow guud ahaan wadanka, iyadoo tirada dhimashada mudaaharaadyada ardayda ee rabshadaha wata ay kor u dhaaftay 100.

Bandowga ayaa la soo rogi doonaa laga bilaabo saqda dhexe ee Jimcaha, waxaana ciidamada lagu amray inay xakameeyaan xaaladda.

Maanta, ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda oo ka socday dalkaasi, tiradaas oo gaartay 100 saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, sida ay ilo-wareedyo boolis ah sheegeen.

Dibad-baxayaasha ardayda ayaa Jimcihii xoog ku galay xabsiga, iyagoo sii daayay boqolaal maxaabiis ah.

In ka badan 2,000 oo qof ayaa ku dhaawacmay banaanbaxyada ka dhacay dalka oo dhan.

Mudaaharaadyadan ayaa looga soo horjeedaa nidaamka kootada 56% ee shaqooyinka dadweynaha oo kor loo qaaday toddobaadkan, iyada oo dawladdu xidhayso xarumaha waxbarashada

Ardaydu, si kastaba ha ahaatee, way diideen inay ka baxaan xarumaha kuleejka iyo jaamacadaha.

Ilaa 30% ee kootada 56% ee shaqooyinka dadweynaha ayaa loo qoondeeyay wiilasha iyo awoowayaasha kuwii ka qayb qaatay dagaalkii xoraynta Bangladesh 1971.

Dowladda ayaa la filayaa in maalinta Axadda ah ay racfaan u qaadato maxkamadda sare si qoondada looga dhigo 20%.

Xaalada dalka ayaa weli ah mid qasan iyadoo dowlada ay hawada ka saartay isgaarsiinta telefonada gacanta iyo internet-ka.

Ra’iisul Wasaare Sheikh Hasina ayaa lagu qasbay inay joojiso safar rasmi ah oo ay ku tagi lahayd Spain berri oo Sabti ah.

Horseed Media