Bangladesh: Rabshado ka dhacay Dhaka iyo hogaamiye mucaarid oo xabsiga loo taxaabay

Published: October 29, 2023

Dowlada Bangladesh ayaa xirtay hogaamiye sare oo mucaaradka ka tirsan kadib isku dhacyo ka dhashay isu soo bax looga soo horjeedo dowladda, oo uu ku dhintay hal askari, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Booliiska ayaa xabsiga dhigay Mirza Fakhrul Islam Alamgir oo ah xoghayaha guud ee ururka ugu weyn mucaaradka Bangladesh Nationalist Party maanta oo Axad ah.

Dowlada ayaa balaarisay howlgalada ka dhanka ah mucaaradka kadib isku dhacii dhexmaray taageerayaasha mucaaridka iyo booliiska sabtidii shalay.

Kooxo taageersan mucaaridka BNP ayaa gacantooda ku dilay askari ka tirsan booliiska sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Asaduzzaman Khan.

Horseed Media