Barcelona oo xiriirka u jartay Israel

Published: November 25, 2023
Shares24

Maamulka Degmada Barcelona ee dalka Spain ayaa Jimcihii shaaciyey inay xiriirka u jareen Israel.

Golaha deegaanka Barcelona ayaa codkooda ku taageeray mooshinkaasi uu keenay xisbiga Comú party.

Waxaa kamid ah mooshinkan in shirkadaha ka hawlgala magaalada aysan noqon kuwa ka qeyb qaata baro-kicinta iyo burburinta dhulka Falastiin.

Gudoomiyihii hore ee Barcelone haweenayda Ada Colau oo xisbigeeda mooshinkan keenay, ayaa ah mid u ololeysa xaquuqul Insaanka.

Ada Colau ayaa xiligii ay ahayd Guddoomiyaha Barcelona burburisay heshiiskii Mataaneynta magaalooyinka Barcelona iyo Tel Aviv.

Ada ayaa ku tilmaamtay dagaalka Gaza, xasuuq Israel ku wado shacabka Falastiin, isla markaana Israel xiriirka loo jari doono inta ay ka ogolaaneyso Xabad-joojin rasmi ah iyo Xaquuqda Falastiin.

Horseed Media