Barlamaanka Federaalka oo Dalbaday in Deg Deg Loo Bilaabo Hanaanka Doorashooyin 2020

Published: March 8, 2017

Guddoomiyaha barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya in si deg deg loo bilaabo hanaanka doorashooyinka dalka.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ay sanadkan 2017ka u soo gudbiyaan haddii ay doorasho dalka ka dhici karto iyo in kale

” Barlamaanka labada Aqal ma sugi doono ilaa 2019-ka, ka bacdi in la fiiriyo oo la yiraahdo suuragal matahay doorasho “Qof-iyo-Codkii ” ah, hadda 2017-ka ayaan bilaabeynaa suuragal matahay Haa ama Maya. Guddiga waxaan ka rabnaa in ay xisaabtamaan oo ay noo soo sheegaan in la qaban karo iyo in kale, waxaan heysanaa waqti farabadan” ayuu yiri guddoomiyaha barlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan jeediyay ka dib markii uu la kulmay guddiga madaxbanaan ee doorashada oo ay soo magacaabeen dowladihii hore ee doorashada lagaga guulaystay.

Gabagabadii, Xukuumadda cusub ee u hoggaamiyo Ra`isul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa laga sugayaa inay soo magacaabaan guddi cusub, islamarkaana ay soo bandhigeen jadwalka iyo hanaanka doorashadda Soomaaliya ee 2020.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *