Barlamaanka Federaalka oo Loo Qaybiyay 4 Xeer Oo Ay Soo diyaariyeen Guddiga Dhamaystirka Xeerka Doorashooyinka

Published: June 17, 2020

Xubnaha barlamaanka dowladda federaalka ayaa maanta loo qaybiyay afar xeer oo ay soo diyaariyeen guddiga diyaarinta xeerarka dhameystirka doorashooyinka Federaalka.

Xeerarka ay guddiga soo gubiyeen ayaa kala ah Xaqiijinta Qoondada Haweenka, Mataalada Gobolka Banaadir, Xeerka Asteynta iyo Daadajinta Kuraasta BFS iyo Habka Nidaamka Doorashada Xubnaha Gobolada Waqooyi/Somaliland.

Guddigu waxay soo isku raaceen in kuraasta haweenka ee barlamaanka ku tartami doonaan haween oo kaliya si loo xaqiijiyo qoondadaka haweenka ee barlamaanka. guddigu waxay kaloo isku raaceen in Xubnaha barlamaanka ee gobolada waqooyi lagu dooran doono magaaladda Muqadisho inta xal siyaasadeed laga gaarayo arrimaha Somaliland

Si cod bixiyayaasha gobol kasta u soo doortaan wakiiladooda waxay guddiga soo gudbiyeen in kursi walba oo ka tirsan kuraasta barlamaanka federaalka u u astaysan yahay gobol

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *