Barlamaanka Puntland oo Digniin u Diray Madaxweyne Farmaajo- Akhriso

Published: June 29, 2020

Gollaha wakiiladda Puntland ayaa uga digay madaxweynaha dowladda Federaalka ee Somaliya inuu saxiixo habraacyo iyo xeerar ka soo horjeeda Dastuurka federaalka Somaliya

Gollaha wakiiladda Puntland ayaa go’aan gole oo ay soo saareen waxay ku sheegeen in xeerka doorashada federaalka aan waqtiga lagu gali karin doorasho cod iyo qof ah taasi oo ku qabsoonta xor iyo Xalaal ah.

Barlamaanku wuxuu u soo jeediyay goloyaasha dowladda Puntland inaysan qayb ka noqon shirka wadatashi ee uu ku baaqay madaxweynaha federaalka 5-8 July, inta laga saxayo xadgudubka sharci ee hay’adaha federaalku galeen

Barlamaanka Federaalka ayaa ansixiyay 27 bishan June 13 Xubnood oo gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka sare ee federaalka, sidoo kale waxay dhagaysteen Hadal jeedintii Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Xaliimo Yare oo sheegtay in doorashadu aysan waqtigeeda ku qabsoomi karin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *