Barnaamijka Doodda Musharixiinta Madaxweynaha oo gebi ahaanba la joojiyey

Published: January 31, 2017
Qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha ee ka qaybgeli lahaa Dooda

Waxaa maanta loo ballan sanaa in Musharixiinta Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ay isugu yimaadaan dood iyo barnaamij su’aalo lagu weydiinayo oo si toos ah uga baxaysa Warbaahinta.

Dooda ayaa loo qaybiyey laba qayboo oo gelinka hore waxaa is arki lahaa 12 Musharax. Dooda ayaa bilaamatey waxaana musharixiinta qaarkood ogaadeen in dooda ay ku jiraan ay tahay mid aan toos ahayn oo la duubayo keliya, taas oo dib looga sii daynaayo Telefishanka SNTV.

Sabata keentey in aan si toos ah looga baahin warbaahinta ayaa ahayd cilad ku timid Internetka Muqdisho ee la waayey gelinkii hore ee maanta.

Dooda maanta burburtey waxaa ka soo qaybgalay 9 musharax oo kamid ahaa 12-ka musharax ee gelinka hore u ballan sanaa dooda.

Guddiga doorashada oo ka hadley barnaamijka dooda ayaa sheegay in gebi ahaantiisba la joojiyey.

Khadka Internetka ee go’ay

Warar ayaa sheegaya in si kutala gal ah maanta internetka Muqdisho loo jarey, shirkdaha isgaarsiinta oo dhamaantood internetkoodu aanu shaqeyneyn ayaa ah Somtel. Hormud iyo Blobal waxaana la is weydiinayaa sababta keentey in hal mar Internetkoodu aanu shaqeyneyn.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *