Murashax Haji Maxamed Yaasiin: Socdaalkaagayga Ilaa Villa Somaliya Inshalla Waa Bilowday-Video

Published: February 3, 2017

Murashaxa doorashada madaxweynaha Soomaaliya Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil ayaa sheegay in barnaamijkiisa Siyaasadeed ee uu dalka ku hoggaamin doono 4 sanno ee socoto uu ka kooban yahay 12 tiir oo ku magacaabay badbaadada iyo Barwaaqaynta Qaranka Soomaaliyeed

Musharaxa oo ah ruug caddaa siyaasadda ku soo jiray 38 sanno, waxaa lagu tilmaamaa shakhsi alle ka cabsi badan, wadani ah Jecel wadankiisa, Daryeela dadkiisa daacadna u ah diintiisa.

Halkan Ka Akhrso 12 Tiir ee Barnaamijka Siyaasadda ee Xaaji Maxamed ka Kooban yahay.

1. IN AAN NOQDO MADAXWAYNII UGU HOREEYEY EE HIRGELIYA KU DHAQANKA SHAREECADDA ISLAAMKA.

2. DHISA HAY’ADDA GARSOOR OO SUGTA CADAALADDA LANA DAGAALANTA EEXDDA IYO CADDAALADDARO NOOC KASTA..

3. MUSAALAXO DHAB AH LA DHEX DHIGO UMMADDA SOMAALIYEED EE KALA IRDHOOWDAY, SOONA CELIYA KALSOONIDOODA IYO MIDNIMADOODDA..

4. SI NABAD IYO XIKMAD LEH LOO SOO AFJARO COLAADDA IYO DAGAALADDA DHAMMAATKA LAHAYN EE DAWLADDA IYO XARAKADDS AL SHABAAB..

5. LA DHISO MAAMUL IYO HOGGAAN LEH ARAGTI DHEER, WAAYO ARAGNNIMO, AQOON LEH IYO DAACADNNIMO, U ADEEGA DADKEENA TABAALAYSAN..

6. LA DHISO CIIDDAN QARAN OO LEH TAYO SARE KUNA FILAN SUGIDDA AMNIGA

IYO DIFAACA DALKA..

7. IN LA CIRIBTIRRO MUSUQ MAASUQ NOOC KASTA UU YAHAY..

8. IN AAN LA DAGAALAMO QABYAALADDA OO AH FALSAFAD IBLIIS NOOC KASTA AY TAHAY..

9. IN AAN DARYEELO DHALINYARRADDA SOMAALIYEED OO AAN SHAQO U ABUURO,

AQOONTOODA KOR U QAADO, KANA QAYB GELIYO KOBCINTA DHAQAALAHA DALKA..

10. IN AAN KOR U QAADO AQOONTA DUMARKEENA IYO KAALINTA MUGGA WAYN AY KU LEEYIHIIN BULSHADDEENA..

11. IN LA TAYEEYO LANA CASRIYEEYO TACLIINTA IYO CAAFIMAADKA..

12. IN LA HORUMARIYO XIRIIRKA DAWLADAHA JIIRAANKA IYO CAALAMKA.

SOMAALIYA HANOOLAATO..

SOCDAALKAYGA ILAA VILLA SOMALIYA INSHALLAH WAA BILOOWDAY..

XILDHIBAAN DOORO..

HAJI MOHAMED YASSIN

https://youtu.be/8vH4kPR-5FQ

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *