Bayaan Beesha Cali Jibraahiil

Published: February 1, 2012

KU: DAWLAD MAAMULKA PUNTLAND

KU:ISIMADA PUNTLAND
KU:DHAMAAN CIDDA AY KHUSEYSO.

Ujeedo: canbaarayn sidaan u aragno qaabkiii lookala diray Golaha degaanka Degmada UFAYN.(UUR CALEED)

Hadaanu nahay cuqaasha aqoonyahanada waxgaradka iyo dhalinyarada beesha cali jibraahiil gaar ahaan degaanka UURCALEED ee degaanka ufayn waxaan aad u canbaaraynaynaa go’aankii dawladu puntland ee ahaa kala dirista golaha degaanka ee Degmada Ufayn.

Go’aankaas oo shalay kasoobaxay maamulka gobolka bari iyo wasaarada arimaha gudaha puntland kuna saabsanaa kaladirista golaha degaanka oo muddo lagu mashquulsanaa sidii loosamayn lahaa gole degaan oo baahida iyo waxqabadka degaanka waxka qabta, juhdi badana kubaxay ayay si lagu degdegay uka dirtay wasaaradu arimaha gudaha ayadoo aan habayaraatee wax wada tashi ah lasamayn waxgaradka iyo dhamaan qaybaha bulshada ee degmada ufayn sababta ay ukala direena ay sheegeen in hal beel aysan iman madasha golaha lagu qaybinayey.

Taas oo ah wax aan loo hakin karayn horumarinta degaanka iyo maslaxada guud ee caamka ah ee dhamaan bulshada degaanka.

saan lawada socono wafti heersare oo dawlada ah ayaa tagay degmada kahor intaan lasamayn golaha degaanka waxayna ku taliyeen in cidii rabta in qayb kanoqdaan golaha degaanka ama wax qabta ay madasha yimaadaan laakiin saad lasocotaan in ay besha cali saleebaan ay diideen in ay kasoo qaybgalaan gogosha lagu qaybinayo xubnaha sababo aan la’aqoon awgeed saas awgeed uma xayirnaan karro horumarka iyo mustaqbalka degaanku hal beel .

waxaa usheegaynaa wasaarada arimaha gudaha ee puntland inay kanoqoto go’aankaas raali gelina kabixiso kala dirista golaha degaanka ee ufayn.

ugu danbeyn waxaa ku boorinaynaa in cid allaale cidii wax tabanaysa ay timaado saladhiga ama xarunta degmada ee Ufayn,
waxaa kale oo naga xusuus ah in la ilaaliyo jirittaanka iyo magaca puntland oo aan dhinacna loo xaglin taas oo keeni karta kala sii fogeynta dadka degaanka iyo in ay yaraato kalsoonida lagu qabo xukuumadayada oo aan wada dhisanay oo aysan noqon meel maalinba qabiil goosta ama ay kalsoonidu kala noqdaan maamulkooda.

GABAGEBO:

waxaan markale halkan kacadeynaynaa inaanu qaadanayn ama aan yeeleen go’aanka wasaarada arimaha gudaha iyo maamulka gobolka intaba .

hadii arintaas aan wax laga qabana waxaa kadhalan doona dhibaato iyo kalsooni darro horleh.

MAGACYADA SOOSAARAY GO’AANKAN:

Nabadoon Ahmed siciid firdhiye
Nabadoon Farah Salaad Cubeyd
Nabadoon Samatar mahamud jeegahool
Nabadoon Cabdi yaxye Boote
Nabadoon Liibaan dhalahuuri
Nabadoon Ibraahim mahamud ismail
Nabadoon ahmed gacshe ilkacde
Nabadoon Hasan huruuse
Nabadoon xirsi waaberi
Nabadoon Yaasiin daahir
Pro C/qadir Ismail
Col: Cabdi osman Fidhiye
Col: mahamed farah mahamud
Col shinbir siciid cidlow carar
Col: mahamed ahmed kuland
Dr Mohamed Samter Mohamuud
Dr Cali Yaasiin Daahir
Dr Mohamed Mohamuud Idirs
Dr Axmed Beeldaje Cali Beeldaje Farah
Dr C/llaahi Mohamed Samter
Dr Mohamuud Mohamed Huruuse
Dr C/xakiim Shirre quud
Dr Mohamed Yusuf Beeldaje farah
Dr Mahamed beeldaaje cali farah
Dr Bashiir Mohamed Saciid
Dr Mohamed Mohamuud Shandi
Dr C/lle C/casiis Kaatun
Drs Idil Cusman Cumar Baylkariye
Drs Faadumo Mohamed Huruuse
Drs Naciima Nuuryeex
Drs yurub Timir Waaberi
Drs Filsan Yasiin Cartan
Eng Mohamuud Beeldaje Cali Beeldaje Faarax
Eng Cawil yasiin C/raxman
Eng C/qadir yasiin
Yasiin cartan ismaaciil
xaaji yusuf farah
Ganacsade Cisman Shirquud
Ganacsade Mire Waaberi
Ganacsade Mohamed huruuse
Ganacsade Shaqe Mire
Ganacsade Axmed Xaaji Faarax
Ganacsade Ibrahiim Cali yare
Ganacsade shaqe Mire Waaberi
Ganacsade qasim hareed ilbir
Khaliif Aadan Yuusuf
Dhoonbe Maxamed Salaad
Ustaad mahamed osman baylkariye
Ustaad C/casiis Qambi
Ustaad Anas Osman (ufeynboi)
Ustaad Axmed Mire Saciid
ustaad Mahdi muuse
ustaad mohamed yasiin Buubaal
Ustaad imaan aw yusuf
Ustaad C/kariim Aw Faarax
Ustaad Mohmed Xasan Cagawayne
Ustaad Mohamed Xaaji Faarax
Ustaad Mohamed Cali Firdhiye
Mahamed hassan firdhiye
sakariye jamac jiriido
mahamed xaaji farah
abdiasis nuur mahamed
abdirasaaq awcismaan dhakaar
xaaji aadam ahmed osman
xaaji yusuf ibraahim ahmed
col.mahad askar
abdirahman bare falaag
mahamed siciid cubeyd
bile ciise fiimto
abdulaahi ciise fiicmto
xassan aw mahamed
nadiifo beeldaaje farah
caweys guure
salaado ismail miirood
faaduma yahye boote
fartuun salaad ahmed
ruqiyo yahye boote
sagal ahmed siciid firdhiye
amran abdikatun
faadumo farah xeyr
sahra cali barwaaqo
hibaaq cismaan cumar
ahmed nuur gelinba cayn

iyo inkale oo aan lasoo koobi karin,……………..

wabilaahi tawfiiq