Baydhabo: Laba Askari oo xukun dil toogasho ah lagu fuliyey

Published: March 20, 2023

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta 60aad ayaa saaka markale Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ka fulisay xukun dil toogasho ah.

Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan oo maxkamada horey dil ugu xukuntey ayaa lagu fuliyey toogashada.

Labadan Askari ayaa ka kala tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo NISA, waxaana maxkmaddu sheegtay inay si bareer ah u dileen Marxuumiinta kala ah Aadan isaaq iyo Maxamed Xasan Maxamed Weydhaan.

Shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale laba Askari oo horay dilal u geystay lagu fuliyay dil toogasho ah, kuwaas oo kamid ahaa dadka kunool Magaalada Baydhabo.

Horseed Media