Baydhabo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Published: March 16, 2023
Shares46

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka Koonfur-galbeed ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo waxaa lagu lafo-guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Jaamac iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirkan oo uu ka maqan yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah.

Horseed Media