Baydhabo oo maamul cusub loo magacaabay

Published: February 28, 2022

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mohamed Abuukar Cabdi ayaa xilkii ka qaaday Maamulkii Magalaada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, isaga oo Maamul Cusub Magacaabay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa lagu yiri:

Markuu arkay baahida loo qabo in guddoomiye iyo guddoomiye kuxigeen loo Magacaabo Magaalada Baydhabo, sidoo kalena uu dhageystay talo soo jeedinta Guddoomiyaha Gobolka Baay uu sameeyay Wasiirka Magacaabistaan.

Guddoomiyaha iyo duqa Magaalada Baydhabo ayaa loo Magacaabay Cabdullaahi Cali Watiin oo horay xilkaasi mar u soo qabtay, halka Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda loo Magacaabay Mucaawiye Ibraahim Cali.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ayaa loo Magacaabay Cabdullaahi Ibraahim Nuur.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *