Baydhabo: Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Midowga Musharraxiinta Koofur Galbeed

Published: January 20, 2023
Shares4

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan la qaatay qaar ka mid ah Midowga Musharraxiinta KGS iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa midowga iyo madasha waxaa uu kala hadlay arrimaha shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madasha Samatabixinta iyo Midowga Musharraxiinta Koonfur Galbeed ayaa waxay diirada ku sareen sidii loogu guuleysan lahaa gogosha taala magalada Baydhabo ee looga arrinsanaayo dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadadii furay shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ay kasoo qeyb galeen maamulka iyo mucaaradka, wuxuuna ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur Galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed.

Horseed Media