Baydhabo: Toogasho lagu fuliyay rag ku eedeysnaa inay dilal geysteen

Published: May 18, 2023

Maxkamadda ciidamada ee gobolka Baay ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo ku eedeysnaa inay dilal geysteen magaalada Baydhabo.

Raggan ayaa lagu kala magacaabaa Aadam Cali Cabdi oo horey u dilay Marxuum Macalin Daahir Cabdullahi Mukhtar iyo Maxamed Geedow Nuurow oo Isna dilay Marxuum Jamaal Abdikariin Maadey.

Fagaaraha toogashada Magaalada Baydhabo ayaa saaka looga oofiyay qisaastii dilkii.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Koonfur Galbeed iyo ehelada dadkii ay dileen ayaa goobjoog ka ahaa fagaaraha xukunka dilka ka dhacayay.

Horseed Media