Baytul Cali Saleebaan Aldaaroodi oo Martiqaad u Sameeyay Boqor Burhaan-SAWIRRO

Published: February 3, 2020

Muwadiniinta Baytul Cali Saleebaan Aldaaroodi ee Dalka Cumaan ayaa magaaladda Salalah waxay marti-qaad ugu sameeyeen Boqor Burhaan boqor Muuse iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa dalkaasi.

Baytul Cali Saleebaan oo ah muwadiniin reer Cumaan oo ka soo jeeda degaamada Puntland ayaa boqorka iyo weftiga la socday si heer sare ah ugu soo dhaweeyay magaaladda Salaha, halkaasi oo ay qado sharaf ugu sameeyeen.

Marti-qaadka boqorka loo sameeyay waxaa hadal ka jeediyay Sheekh Saalax Bin Xasan Cawad oo ka mid ah shuyuukhda Baytul Cali Saleebaan, waxaa uu Boqorka iyo weftigiisa ku soo dhaweeyay magaalada Salalah isagoo u sheegay inay dhexjoogaan dadkoodii iyo ehelkooda ku nool dalka Cumaan.

“Muwaadiniinta Baytul Cali Saleebaan ee Cumaan, halkan waxay ku haystaan Nolol, Karaamo iyo Ganacsi, aad iyo aad baan dowladda Cumaan u xurmaysaa” ayuu yiri Sheekh Saalax Bin Xasan Cawad

Waxaa kalo hadal ka jeediyay halkaasi, Madaxaa Jaaliyada Soomaalida Cumanaa Barkhad Sheekeeye oo boqorka uga warbixiyay xaalada Somalida ku dhaqan Dalka Cumaan iyo Ganacsiga ay ku haystaan wadankaasi, Waxa uu sheegay in dowladda Cumaan ay si wanaagsan ula dhaqanto Soomaalida ku nool ,kana shaqaysata dalka Cumaan

Maxamuud Faarax Bile Cumbul oo ka mid ah weftiga boqorka oo isna hadal kooban ka jeediyay kulanka martiqaadka loo sameeyay boqorka ayaa ka warbixiyay ujeedada safarka boqorka ee dalka Cumaan, waxaana uu sheegay in ujeedada Socdaalka boqorku ay la xiriirto u kuurgaligada Xaalada dadka Soomaaliyeed ee Cumaar, gaar ah Beelaha Daarood.

Boqorka Burhaan Boqor Muuse, Boqorka beelaha Daarood oo cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay ayaa uga mahadceliyay Muwaadiniinta Baytul Cali Saleebaan sida karaamada leh ay ugu soo dhaweeyeen magaaladda Salalah.

Dhinaca kale, Boqor Burhaan wuxuu gurigiisa ku booqday Yaxye Xaaji Faarax oo mid ka mid ah Odoyaasha Beelaha Daarood ee ku Nool Dalka Cumaarn . Xaajiga oo muddooyinkan xanuunsanaa wuxuu la dhashay Xaaji Siciid Xaaji Faarax oo ah Odayga beelaha Daarood ee Cumaan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *