Beesha Caalamka oo Talibanka Afghanistan ku cadaadinaya Xabad-joojin

Published: August 10, 2021

Magaalada Doxa ee caasimada Qatar ayey maanta gaareen wafuud ka kala socota Maraykanka, UK, EU, Pakistan, China iyo Qaramada Midoobay kuwaasi oo doonaya in xal laga gaaro dagaalada ka socda wadanka Afghanistan.

Qatar ayey sidoo kale gaareen wafdiga ka socda dowlada Afghanistan iyagoo ay halkaasi horey ugu sugnaayeen xubno ka tirsan madaxda Talibanka oo maalmihii lasoo dhaafay la wareegay 6 caasimad-gobaleed ee wadanka Afghanistan.

Talibanka ayaa bishii May bilaabay duulaan cusub oo ay kula wareegayaan inta badan gobalada dalkaasi kadib markii Maraykanka bilaabay inuu halkaasi kala baxo ciidamadiisa.

Is US special envoy Zalmay Khalilzad responsible for the failure of Mission Afghanistan ?(Photo:indianarrative)

Wadahadaladii horey u dhexmaray dowlada Afghanistan iyo Talibanka ee ka dhacay Qatar ayey labada dhinac ku heshiin waayeen qodobadii horyaalay, walow Talibanka uu sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin in wadahadalka sii socdo.

Xoogaga Talibanka ayaa horey udiiday in xabad joojin ku dhawaaqaan, iyagoo sharuud uga dhigay in dowlada Afghanistan marka hore ogolaato inay diyaar u noqoto in la furo dastuurka dalkaasi iyo siideynta maxaabiista laga heysto.

Tan iyo jimcihii lasoo dhaafay ayey Talibanka awood kula wareegeen 6 caasimad gobaleed ee waqooyiga wadankaasi oo ay ugu weyntahay magaalada Kunduz. Waxayna hada dagaalo ka socdaan in badan oo kamid ah gobalada Koonfureed iyo gobalada saaran xaduudaha wadankaasi la wadaago dalalka ay jaarka yihiin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *