Beesha Caalamka oo Walaac Xoogan Ka Muujisay xaalada Gedo.

Published: March 9, 2020

Wadamada isugu yeera saaxiibada Somaliya ayaa warsaxafadeed ay si wadajir u soo saareen ayay ku sheegeen inay aad uga warwarsan yihiin Xaalada gobolka Gedo iyo Ciidamada isku urursanaya degaankaasi.

Warsaxafadeedka waxay ku sheegeen in dagaaladii ka dhacay magaalada Beledxaawo ay sababeen barakac iyo khasaare, waxayna ugu baaqeen dhinacyada isku haya gobolka Gedo inay ka fogaadaan wax kasta oo kicin kara rabashado cusub

“Waxaan si deg deg ah ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ishaya inay is xakameeyaan, ay yareeyaan ciidamada amniga ee ku sugan Gedo, ayna ka fogaadaan fal kasta oo kicin kara rabshado. Waxaan ogsoonnahay muhiimadda ay leedahay xasilloonida iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya oo ku dhexmara deegaan xuduudeed ay wadaagaan halkaas oo ay ka wada dhexeeyaan dano amni” Sidaas waxaa lagu yiri warsaxafadeedka

Beesha Caalamku waxay kaloo soo dhawaysay xiriirkii khadka telefoonka ee Madaxweynahayaasha Somaliya iyo Kenya

“Waxaan soo dhoweynaynaa xiriirkii 5tii Maarso dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaana ku dhiirigelineynaa madaxda inay sii wadaan daminta xiisadaha, iskaashiga amniga xuduudaha, iyo in la sameeyo guddi wadajir ah oo wax ka qabta arrimaha diblomaasiyadda iyo ganacsiga sida ay madaxduba iskugu af-garteen”

Waxay beesha Caalamku ku baaqday iskaashi iyo wada-hadal dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo madaxda Jubaland si loo sii ambaqaado dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. 

“Si muddada dheer loo helo xasillooni loona xaqiijiyo amniga gobollada xuduudaha ku yaalla iyo kan Jubaland, saaxiibadu waxay ku boorrinayaan iskaashi iyo wada-hadal dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo madaxda Jubaland si loo sii ambaqaado dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab”

Beesha caalamku waxay kaloo si buuxda u taageereen in sharciga la horkeeno shakhsi kasta ee lagu eedeeyay dembiyo ama xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka la soo xiro oo lala tiigsado sharciga iyadoo la raacayo sarreynta sharciga.

Ugu dambayntii Beesha Caalamku waxay ugu baaqeen dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka aha ay si dhaqso ah u yeeshaan iskaashi buuxa iyo wadahadal si loola dagaallamo al-Shabaab, loo xalliyo arrimaha la isku hayo, loogana guul gaaro arrimaha kale ee hortabinta u leh qaranka sida ka-gun-gaarista faa’iidooyinka laga helayo cafinta deynmaha iyo qabashada doorashooyin qaran oo waqtigooda ku qabsooma.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *