Beesha Caalamka oo war ka soo saaray doorashadii Gudoonka Baarlamaanka DFS

Published: April 29, 2022

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa bogaadiyey Doorashada Guddoonka baarlamanka oo shaley lagu soo gabagabeeyey magaakada Muqdisho.

“Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay soo dhoweynayaan doorashooyinkii guusha kusoo idlaaday ee loogu tartamayey jagooyinka guddoonka Aqalka Sare ee 26kii Abriil 2022 iyo Golaha Shacabka ee 27-28 Abriil 2022.

Waxaan u hambalyeynaynaa guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada dhowaan la doortay ee la wareegaya waajibaadkooda muhiimka ah xilligan xasaasiga ah ee Soomaaliya ay ku jirto,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen saaxiibada.

“Kadib dib-u-dhacyo iyo caqabado daba-dheeraaday oo ku yimid soo xulista xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa guul weyn ah doorashada guddoonka baarlamaanka. Waxaan u mahad-celinaynaa dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay dhamaystirka doorashada baarlamaanka,” ayuu qoraalka intaas ku daray.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *