Beesha Caalamka oo war ka soo saartay xaaladda colaadeed ee magaalada Laascaanood

Published: February 7, 2023

Xubnaha Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed wadajir ah ka soo saaray xaaladda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujisay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

“Saaxiibada beesha caalamka ayaa aad uga walaacsan rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale Saaxiibada beesha caalamka ayaa ku baaqday in wax weliba lagu dhameeyo miiska wada-hadalka.

“Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal”

Horseed Media