Beesha Caalamka oo warsaxaafadeed ka soo saarey dagaalkii lagu kala baxay ee Laascaanood

Published: August 27, 2023

22 dal iyo 5 Hay’adood oo qaramada Midoobey ku jirto ayaa baaq wadajir ah ka soo saarey dagaalkii lagu kala baxay ee Laascaanood, kaas oo maalintii Jimacada ku soo dhamaadey Somaliland oo laga saarey gobolka Sool, maxaabiis badan laga qabtey iyo hubkoodi cuslaa. Dalalka war saxaafadeedka soo saarey ayaa ku baaqey in xabbadda la jooiyo wada hadal shuruud la’aan ahna la furo.

War saxaafadeedka beesha caalamka ayaa aimaanaya iyada oo Muuse Biixi ku baaqey in uu dagaalka sii wadaayo, sidoo kale ay ku raaceen odoyaasha dhaqanka ee hargeysa, waxaana si adag war saxaafadeedku u cambaarey in dagaalka la sii wado.

WARSAAXAFADEED DEGDEG AH

Saaxiibada beesha caalamka* waxay si adag u cambaareynayaan sii hurinta colaadda Laascaanood, oo ay ka mid yihiin wararka sheegaya in dagaalku ku fiday bannaanka magaalada.

Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah. Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka dagaalyahannada, iyo saadka iyo hubka la siinayo. Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah, waxaana aan filaynaa kuwa ku lugta leh inay u hoggaansamaan sharciga xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha rayidka.

Waxaan ku celinaynaa muhiimada ay leedahay in la xaqiijiyo helidda gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn iyo gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan. Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan hadalada xanafta leh ee wax kala qaybiya. Dhammaan cabashooyinka iyo xiisadaha waa in lagu xalliyaa si nabad ah oo wadahadal ah.

Waxaa war saxaafadeedka soo saarey

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Jabuuti, Wafdiga Midowga Yurub, Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.