Beesha Macaawiye oo kalsoonidii kala laabatay Garaad Xuseen

Published: May 7, 2024
Shares10

Beesha “Macaawiye” ee Cabdi Koombe ( Jambeel ) ayaa kalsoonida kala noqotay Xuseen Siciid Xasan oo ahaa: garaadka jifida “Macaawiye” ee Cabdi Koombe.

Shir muddo socday oo ay ka qayb galeen dhammaan qaybaha kala duwan ee beesha ayaa lagu go’aamiyay qodobbadaan hoos ku qoran:-

1- In garaadkii hore ay beeshu kala noqotay kalsoonida; sababa la xiriira: xil-gudasho la’aan, Musuq, godobfallo dhan-ka-ah dhaqanka, nin jeclaysi iyo isagoo duubnimadii loo idmaday ka dhigtay mid u adeegta qoyskiisa hoose iyo walaalihii.

2- si looga fogaado in isim dambe ee beeshu yeelato uu noqdo kaligii talis, beeshu waxay magacowday guddi aqoonyahanno ah oo diyaariya “xeerka dhaqanka Cabdi Koombe” uu noqon doona isimkeedu mid ay bulshadu doorato, oo aanu noqon mid dhaxal ah.

3- waxaa lagu baaqayaa shir weyne ka dhici doona magaalada Bosaaso taariikhdu markay tahay: 5/6/2024 si loogu ansixiyo “xeerka dhaqanka Cabdi Koombe” looguna go’aamiyu xilligii la dooran lahaa garaad cusub oo ay jifi-hoosaadka “Macaawiye” yeelan doonaan.

4- beeshu waxay ugu baaqeysaa in isagana la doorto Suldaanka Cabdi Koombe “Qutka” oo ay beel weynta Cabdi Kombe tahay hoggaan dhaqan la’aan laga bilaabo bishii August/2014 oo ah taariikhdii uu geeriyooday – Alle ha u naxariistee- Suldaan Maxamed Cali Maxamed.

5- waxaan dhammaan qabaa’iilka kale ee Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in hoggaankooda dhaqan uu noqdo mid ay doortaan oo heshiis qoran lagu hawl galiyo; si isla xisaabtanku u noqdo mid cad oo aanu qofka masiirka reerka kaligiis go’aamin.

Wabillaahi Towfiiq – Dhammaad!!

Horseed Media