Beledweyn: Ciidamada Itoobiya oo Saaka Qarax Lala Eegtay

Published: February 21, 2012

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa saaka qarax lagula eegtay ciidamada Itoobiyaanka ah ee dhowaan magaaladaas kala wareegey gacan ku haynta Al-shabaab.

Qaraxan oo ahaa miino jidka dhinaciisa la dhigay ayaa goor hore oo saaka ah lala bartilmaameed saday kolonyo kamid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada Itoobiya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Itoobiyaanku ay rasaas qadar daqiiqado ah socotey rideen kadib markii uu qaraxu dhacay, lamana oga ilaa iyo hadda khasaaraha ciidamada Itoobiya soo gaarey.

Sidoo kale ciidadama Itoobiya waxay howlgalo baaritaan ah ka sameeyey aggii qaraxa lagula eegtay, inkasta oo aan la xaqiijin karin in ay howlgalkaas cid kusoo qabteen iyo in kale.

Isu socodka dadka iyo gaadiidka ee guud ahaan magaalada ayaa hakad galay kadib markii uu qaraxaasi dhacayiyadoo ay dadkuna ka cabsi qabeen waxyeelo soogaarta maadaama Itoobiyaanku ay caan ku yihiin in ay rasaas afarta jiho u ridaan marka la weeraro.

Qaraxa maanta magaalada Beledweyne ka dhacay ayaa imaanaya xilli dhowaan magaaladaas laga qaaday Bandow ay Itoobiyaanku kusoo rogeen kadib markii dhowr jeer oo hore sidan oo kale qarax loola eegtay.

 

Horseed Media