Belguim: Weerar ka dhacay Brussels oo lagu dilay 2 qof oo u dhashay Sweden

Published: October 17, 2023
Shares4

Booliiska Belguim ayaa subaxnimadii hore ee Salaasada gacanta ku dhigay nin looga shakisan yahay in uu hubaysnaa oo dilay laba qof oo iswiidhish ah.

Iska horimaad dhexmaray ninkan iyo booliiska ayaa la sheegay in lagu dilay ninkan hubeysan oo aan weli xogtiisa la faah faahin, inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan inuu u dhashay dalka Tunisia.

Ninkan la tuhunsan yahay ayaa lala xariirinayaa weerarkii xalay ka dhacay caasimada Belguim ee Brussels xili lagu waday in magaalada ay ka dhacdo ciyaar dhexmari lahayd xulalka Sweden iyo Belguim.

Ciyaartii xalay ayaa la hakiyey iyadoo kumanaan kun oo dadkii usoo daawasho tagay ciyaarta muddo saacado ah lagu hayey gudaha Istaadiyumka xili ay jirtay cabsi amni.

Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in weerarkan ninka geystay uu taageero u ahaa kooxda Daacish, sida uu sheegay afhayeenka Booliiska.

Raysalwasaaraha Belguim ayaa bartiisa Twitter (X) ku shaaciyey tacsida uu u dirayo dowlada Sweden.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay xili ay sii kordheyso xiisada ka taagan dalalka Yurub ee la xariirta dagaalka ka socda Falastiin, iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay dalka France uu ka dhacay weerar lagu dilay hal qof.

Maalmihii lasoo dhaafay ayey banaanbaxyo looga soo horjeedo Israel ka socdeen dalalka galbeedka Yurub, balse booliiska Belguim ayaa sheegay inaysan weli hada ogeyn in weerarkan la xariiro xiisada Gaza.

Horseed Media