Beyle: ” Lacagta Ku Baxaysa Doorashada waxaa lagu qiyaasay ilaa 40 milyan oo doollar”

Published: December 26, 2020

Wasiirka maaliyadda dowlada federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo marti ku ahaa barnaamijka dood furan ee SNTV ayaa xusay in wasaaradda maaliyadda dalka iyo hay’adaha dawliga ah ee u xilsaaran ilaalinta hantida dawladda ay ka shaqaynayaan in hantida dawladda aan si qaldan loogu adeegsan doorashada soo socota ee heer Federaal.

Waxa uu sheegay in qarashka ku baxaya doorashada dhammaystirkeeda ay ka wada shaqaynayaan beesha caalamka iyo dawladda 27-da bishan si loo diyaariyo lacagta doorashada oo lagu qiimeeyey ilaa 40-milyan oo Doller, islamarkaana dawladdu bixinayso 10% oo u dhiganta 4-milyan oo Doller, taas oo lagu caddeeyey miisaaniyadda 2021-da.

Lacagtaas ayaa loo qoondeeyey in lagu fuliyo hawlaha baaxadda leh ee doorashada, sida safarada gudiyada doorashada heer Federaal iyo heer dawlad goboleed, goobaha ay dagayaan, xafiisyada shaqada, tababarrada Ergada iyo gunooyinka hawlwadeenada.

“Ma jiri doonto lacag aan intaas ahayn in loo istcimaalo doorashada, mana dhici karto, wasiirku xitaa qasnadda dawladda lacag kama saari karo hanaanka maaliyadeed baa diidaya”.

Wasiir Beyle

Dhinaca kale wasiirka maaliyadda xukuumadda FS ayaa xusay in aanu jirin dawlad ama hay’ad caalami ah oo Soomaaliya ka joojisay lacag ay siin jirtay sabab la xiriirta doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana uu xusay in xiriirka wada shaqayneed ee Soomaaliyada la leedahay Bankiyada caalamiga ah iyo hay’adaha dhaqaalaha adduunka uu yahay mid wanaagsan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *