Biden: Dowlada iyo Ciidanka Afghanistan diyaar uma ahayn inay dhulkooda difaacdaan!

Published: August 17, 2021

Madaweynaha Maraykanka Joe Biden oo markii ugu horeysay ka hadlay xaalada wadanka Afghanistan iyo Talibanka la wareegay awooda dalkaasi ayaa sheegay inuu isagu weli ku saxsan yahay inuu ciidamada Maraykanka kasoo saaray wadankaasi.

Biden oo cadaadis siyaasadeed la kulmaya kadib markii Talibanka si fudud meesha uga saareen dowladii Afghanistan ee Maraykanka soo gacan hayey 20kii sano ee lasoo dhaafay ayaa sheegay in qorshaha Maraykanka aysan ahayn inay dhisaan oo gacanta ku hayaan dowlada iyo wadanka Afghanistan.

Inkastoo uu sheegay inay lama filaan ku noqotay sida fudud oo ay Talibanka ku qabsadeen caasimada wadankaasi ee Kabul, ayuu hadana sheegay in dowlada iyo Ciidamada Afghanistan ay u muuqdeen kuwo aan diyaar u ahayn inay difaacdaan dhulkii ay gacanta ku hayeen, isla markaana ay isku haleenayeen oo kaliya taageerada Maraykanka.

Joe Biden ayaa sheegay in go’aanka uu ciidamada Maraykanka uga soo saaray Afghanistan uu ahaa mid sax ah isla markaana ahayd wadada kaliya ee lagu soo afjari karay dagaalka aan dhamaadka lahay ee Maraykanka ku jiray 20kii sano ee lasoo dhaafay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *