Biden oo booqday Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Poland

Published: March 26, 2022

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Jimcihii shalay u safray koonfur-bari dalka Poland halkaas oo uu kula kulmay ciidamada Maraykanka iyo shaqaalaha gargaarka ee caawinaya qaxootiga ka yimid Ukraine.

Biden waxa uu la hadlay ciidamada Maraykanka ee ku sugan Rzeszow kuwaas oo bilaabay in ay yimaadaan saldhiga milatari ee halkaas ku yaala bishii hore taas oo qayb ka ah dadaalka Maraykanka ee ka dhanka ah Ruushka.

Magaalada Rzeszow ayaa 100km u jirta xaduuda Poland iyo Ukaraine, waxaana hada halkaas ku sugan 10-kun askari oo ah ciidamada Maraykanka ee loogu talo galay inay difaacaan dalka Poland oo xubin ka ah isbaheysiga NATO.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *