Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa maanta oo khamiis ah gaaray magaalada Brussels ee caasimada Belguim. Magaaladaasi…
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa maanta oo khamiis ah gaaray magaalada Brussels ee caasimada Belguim.
Magaaladaasi Brussels oo xarun u ah Midowga Yurub iyo NATO ayaa waxaa ka dhacaya sedex shir oo muhiim ah oo ay yeelanayaan; Midowga Yurub, G7 iyo Isbaheysiga NATO.
Shirarkan ayaa si gaar ah looga hadlayaa dagaalka ka socda Ukraine iyo sidii dalalkaasi kulansan ay siyaasad mideysan oo ku wajahan Ruushka u qaadan lahaayeen.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa inta uu Yurub ku sugan yahay la filayaa inuu sidoo kale ku dhawaaqo cunaqabateyn cusub oo uu Maraykanka saari doono Xildhibaanada Baarlamaanka Ruushka.