Biden oo cambaareeyey Ardayda u doodeysa Xaquuqda Falastiin!

Published: May 3, 2024

Biden oo markale la saftay Israel isla markaana cambaareeyey Ardayda wada banaanbaxa lagu taageerayo Falastiin.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka aamusnaa inuu ka hadlo banaanbaxyada ka dhacaya Jaamacadaha dalkaasi oo ay Ardayda ku taageerayaan xaquuqda shacabka Falastiin. Ardayda ayaa codsanaya in Jaamacadaha Mareykanka ay xiriirka u jaraan shirkadaha xiriirka laleh Israel.

Ciidamada Booliiska ayaa xalay weerar ku qaaday Ardayda banaanbaxa nabada ah ka dhigayey Jaamacada California ee ku taal magaalada Los Angeles.

Biden ayaa sheegay in Mareykanka uu ogol yahay xaquuqda hadalka iyo banaanbaxa nabada ah, balse sheegay inay kasoo horjeedaan waxa uu ugu yeeray Fowdada ka socota Jaamacadaha, isagoo sheegay in banaanbaxyadan aysan waxna ka bedali doonin siyaasadiisa ku aadan Israel.

Joe Biden oo sanadkan isu diyaarinaya Doorashada dhici doonta bisha November ayey si weyn hoos ugu dhacday taageerada uu ka heystay dhalinyarada oo inta badan taageeri jiray xisbigiisa Dimuquraadiga. Inta badan dhalinyarada Mareykanka ayaa si weyn uga soo horjeeda maalgelinta & taageerada militari ee Mareykanka siiyo Israel.

Horseed Media