Biden oo diiday in uu qaado cunaqabateynta IRAN

Published: February 8, 2021

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa shuruud uga dhigay qaadista cunaqabateynta saaran dalka Iran, in marka hore dowlada Tehran ay dib ugu soo noqoto heshiiskii Nukliyeerka oo uu horey u burburiyey Donald Trump.

Heshiiskii la saxiixay 2015 oo ay kasoo shaqeysay xukuumadii Obama oo uu Madaxweyne kuxigeen ka ahaa Biden ayaa qeexayey in Iran joojiso ama hoos u dhigto sameynta uranium-ka loo adeegsan karo hubka nukliyeerka. Taasi bedalkeedana laga qaadi doono Tehran cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran.

Hase yeeshee Madaxweynihii hore Donald Trump ayaa sanadkii 2018 si rasmi ah uga baxay heshiiskaasi, isagoo cunaqabateyn horleh saaray wadanka Iran, arrintan oo sababtay in xukuumada Iran ay dib u dar-dargeliso barnaamijka Nukliyeerka.

Hogaamiyaha Sare ee Iran Khamenei ayaa hadal uu soo saaray shalay ku sheegay in Iran aysan heshiiskaasi dib ugu soo noqon doonin illaa Maraykanka uu qaadayo cunaqabateynta.

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden oo diidan inuu u muuqdo hogaamiye jicilsan ayaa wareysi uu Axadii shalay bixiyey ku sheegay in Maraykanka diyaar u yahay heshiiskaasi in la hirgeliyo hase yeeshee laga rabo Iran inay joojiso sameynta uranium-ka iyo hakinta barnaamijkooda nukliyeerka.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *