Biden oo fasaxay Mashruucii hubka looga iibinayey Imaaraatiga

Published: April 14, 2021

Xukuumada Maraykanka ayaa sheegtay in la fasaxay masharuucii hubka looga iibinayey dowlada Imaaraatiga oo ay horey u hakisay dowlada cusub ee Joe Biden.

Xukuumadii hore ee Maraykanka ee Donald Trump ayaa saxiixay heshiiskaasi bishii November ee sanadkii hore kahor intuusan xilka ka degin Trump, waxaa mashruucan Imaaraatiga ku bixinayey lacag gaareysa 23 bilyan oo dollar, si ay Maraykanka uga gataan diyaaradaha xiligan ugu casrisan ee F35, drones iyo gantaalada cirka.

Mashruucan ayaa ah mid qeyb ka ahaa heshiiskii dhexmaray Israel iyo Imaaraatiga, iyagoo imaaraatiga heshiiska ay la sameysteen ku bedashay hubkan casriga ah in loo fasaxo.

Joe Biden ayaa xiligii uu ku jiray ololaha doorashada walaac ka muujiyey in hubkan loo adeegsan doono dagaalka ka socda wadanka Yemen, wuxuuna hakiyey dhaqan gelinta heshiiska markii uu xilka qabtay.

Salaasadii shalay ayey Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Maraykanka sheegtay in mashruucan la fasaxay go’aankaasna loo gudbiyey Kongareeska Maraykanka.

Heshiiskan ayaa waxaa si weyn ugu ololeenayey shirkadaha Maraykanka ugu waawey ee hubka soo-saara oo kala ah; General Atomics, Lockheed Martin iyo Raytheon Technologies.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *