Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu khudbad sagootin ah uu TV-ga ka jeedin doono Arbacada soo socota, 5 maalmood ka hor inta uusan xukunka ku soo laaban Donald Trump, halka madaxweynaha la doortay uu damacsan yahay in uu soo saaro 100 amar fulineed maalinta ugu horreysa ee madaxtinimada.
Aqalka Cad ayaa bayaan uu soo saaray shalay oo Jimce ah ku yidhi, “Arbaca, Janaayo 15, saacadu markay tahay 8-da fiidnimo, madaxweynuhu wuxuu khudbad sagootin ah u jeedin doonaa qaranka oo ka socda Xafiiska Oval Office”.
Ra’yi ururin la sameeyay ayaa daaha ka qaaday in aragtida dadka Maraykanka ah ee ku aaddan muddada Biden ay tahay mid madow marka loo eego aragtida ay ka qabaan labadii xilli ee hore ee madaxweynenimada ee Madaxweynihii hore ee Barack Obama iyo Donald Trump.
Qiyaastii rubuc ka mid ah dadka waaweyn ee Mareykanka ayaa sheegay in Biden uu ahaa “wanaagsan ama weyn” madaxweyne, halka in ka yar mid ka mid ah 10kii qof ay sheegeen inuu ahaa “weyn”, sida lagu sheegay ra’yi ururin ay sameeyeen Associated Press iyo Xarunta Cilmi-baarista Dadweynaha ee NORC.
Horseed Media