Biyo-xireen loogu talo galay inuu yareeyo fatahaada webiga Shabelle oo laga hirgeliyey Magaalada Beledweyne

Published: April 11, 2023
Shares12

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa laga hirgeliyay biyo-xireen weyn oo la filayo inuu yareeyo fatahaadda uu webiga Shabelle u geysto magaalada.

Biyo-xireenkan oo loogu magac-daray Kiliga Waraaboole ayaa waxaa maalgelisay Dowladda Norway, waxaa muddo dheer qaatay in Dadka Baladweyne ay helaan biyo-xireen ay ku xasilaan si uu ugu yaraado welwelka fatahaadda Wabiga Shabeelle ay ka qabaan.

Waxaa aad loola socdaa tijaabada lagu sameynayo biyo-xireenka cusub ee laga hirgeliyay Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaar kamid ah xubnaha Guddiyada Xaafadaha Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in muddo 9 cisho oo tijaabo ah uu biya-xireenku maray iyada oo aanay wax fatahaad sameyn si loogu kala yareeyo biyaha xad-dhaafka ah ee Wabiga.

Horseed Media