Blinken: “Anigoo Yahuud ah, waa dareensahay in weerarkii Xamaas uu khatar ku ahaa Yuhuuda caalamka oo dhan!”

Published: October 12, 2023

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken oo maanta booqasho ku tagay Tel Aviv ayaa xili uu shir jaraa’iid uu la qabtay Benjamin Netanyahu Raysalwasaaraha Israel sheegay in shaqsiyan iyo waliba Qaranka Maraykanka ay si buuxda u garab taagan yihiin Israel.

Blinken oo ka hadlay taariikhda Qoyskiisa oo kamid ahaa Yahuudii ka qaxay Yurub xiligii dagaalkii labaad ee Adduunka ayaa weerarkii Xamaas ee Sabtidii lasoo dhaafay la barbar dhigay weeraradii ISIS iyo dhibaatooyinkii hore ee loo geystay dadka Yahuuda ah, ee taariikhihii hore.

Waxaan si shakhsi ah u dareemayaa xasuuqa foosha xun ee Xamaas u geysanayaan Yuhuuda Israa’iil, iyo guud ahaan Yuhuudda meel kasta oo ay joogaan, ayuu yiri Blinken.

Wuxuu sheegay in inta Maraykanka uu jiro uu mar walba taageero siin doono jiritaanka iyo difaacida Israel.

Weerarkii Xamaas ku qaaday dhulka Israel heysato ayaa tirada dadka ku dhintay ay hada gaartay 1300 qof, oo ay ku jiraan in ka badan 200 askar iyo saraakiil ah.

Blinken oo si adag u taageeray Israel ayaan soo hadal qaadin dhibaatada kasoo gaartay shacabka reer Falastiin duqeynta maalintii 6aad ku socota Marinka Gaza.

Gaza, tirada Shacabka reer Falastiin oo ay Israel duqeynta ku dishay ayaa hada gaartay in ka badan 1400 qof, tirada dhaawaca shacabka ayaa ka badan 6000.

Maraykanka ayaa saanad militari usoo diray Israel, isla markaana Maraakiibtiisa dagaalka kuwooda diyaaradaha xambaara usoo diray gobalka si ay u caawiyaan Israel, siduu sheegay Blinken oo maanta sidoo kale kulamo la yeeshay qaar kamid ah qoysaska dadka laga dilay iyo kuwa laga afduubay ee heysta dhalasha Maraykanka.

Waxaa lagu wadaa Blinken inuu usii gudbo dalalka Jordan oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo dalka Qatar oo uu doonayo inuu kala hadlo inay gacan kasiiyaan sidii Xamaas ay usoo siideyn lahayd dadka ay qafaasheen oo gaaraya 150 qof.

Horseed Media