Booliiska Muqdisho oo sheegay inay qabteen gaari Qarax sida

Published: September 2, 2023

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyey Qarax Gaari oo kooxda Khawaarijtu rabeen in ay ku haligaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadir, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ciidanka saldhig Booliiska Degmadda Dayniile ayaa qabtay Gaariga qaraxa siday oo mareyey goob xaafaddo dhexdood ah kaas oo dhalisay shaki laga qaaday Gaariga, abaaro 10:30-kii subaxnimo ayaa la qabtay Gaarigan oo laga soo Buuxisay waxyaabaha qarxa.

Waxa sidoo kale la qabtay laba nin oo waday Gaarigan, iyadoo dhagarqabayaasha ay hadda gacanta ku hayaan Haya’addaha Amnigu.

Horseed Media