Booliiska oo ka hadlay Weerraro xalay ka dhacay Muqdisho

Published: February 16, 2022

Taliska Ciidanka Boliska Soomaaliyeed oo ka warbixiyay weerradii ay Xalay ku qadeen Alshabaab qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maleeshiyaadka argagixisada ay weerar ku soo qaadeen Saldhigga Booliska degmada Kaxda iyo gooba kale.

Afayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed G/lle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa Sheegay in argagixisada ay Xalay Saqdii dhexe Qaraxyo iyo weerraro ka geysteen qeybo kamid ah degmada Kaxda iyo degaanka Daaru Salaam ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa intaa ku daray in Al-Shabaab oo ka xun horumarka iyo dhismooyinka ka socda  degmada Kaxda ay weerraro ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Booliska degmada Kaxda iyo qeybo kamid ah Xaafada Daarusalaam ee degmada Yaaqshiid.

Wasiirka Amniga Cabdullahi Maxamed Nuur oo bartiisa Twitter soo dhigay fariin la xariirta weeraradan ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab lagu jabiyey duulaanka ay soo qaadeen isla markaana ay gadaal kasoo gudbin doonaan xogta dhacdadan oo dhameystiran.

Weli lama hayo faah faahin dhameystiran ee khasaaraha ka dhashay dagaaladan ka dhacay xalay Muqdisho xili ay dadku hurdeen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *